Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawiro: Muxuu ku saabsanaa kulankii dhexmaray odayaal kasoo jeedo Abgaal iyo ururka Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Aadan Yabaal (Caasimadda Online) – Shir Ballaaran oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin katirsan Xarakada Shabaab iyo waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka beesha Abgaal ayaa lagusoo gaba gabeeyay degmada Aadan Yabaal ee gobolka Sh/dhexe.

Kulanka oo ay soo agaasintay Al Shabaab ayaa diiradda lagu saarayay kaalinta Beesha Abgaal Cusmaan ay ku leedahay dagaalka ay wadaan Ururka Al-Shabaab oo ay ku tilmaameen inuu yahay Jihaad.

Mas’uuliyiin Katirsan Shabaab oo gaba gabada kulanka warbaahinta lahadlay ayaa tilmaamay inay Shabaab bogaadiyaan go’aanka ay ku tilmaameen inuu yahay gobanimo oo ay beesha Abgaal qaadatay, Sheekh Xuseen Cali Fiidoow oo katirsan Mas’uuliyiinta Uruka AL-Shabaab ayaa sheegay in Beesha Abgaal ay kula ballameen sii xoojinta kaalinta ay uga jirto waxa ay ugu yeereen Jihaadka dalka ka socda.

Sheekh Xasan Yacquub oo ah Guddoomiyaha Galguduud oo munaasabadda khudbad ka jeediyay ayaa beesha Abgaal ku bogaadiyay go’aanka ay qaadatay, sidoo kale mas’uuliyiin ay kamid yihiin Guddoomiyaha Shabaab ee Hiiraan Sheekh Guuleed Abuu Nabhaan iyo Sheekkh Cali Katiin oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ayaa khudbad ka jeediyey goobta.

Sheekh Yuusuf Ciise Kaba Kutukade oo ah  Guddoomiyaha Shabaab ee Sh/dhexe ayaa ka taariikheeyay Beesha Abgaal iyo kaalintii ay ku laheyd dagaalladii gumeystaha lagula galay dalka Soomaaliya illaa iyo dhulka Soomaaligalbeed ee Itoobiya gumeysato.

Imaamka Beesha Abgaal Imaam Maxamuud Xaaji Xaamud oo kamid ah waxgaradkii beesha ee kulanka ka qeyb galay ayaa hadal uu ka jeediyay madasha wuxuu ku sheegay in Abgaal ay Shabaab la galeen Ballan adag oo ah ka qeyb galay dagaalka isagoo ugu baaqay dhalinyarada beesha in ay sare uqaadaan tababarrada iyo barashada cilmiga sharciga ah.

Abwaan Cabdulle Geeda Naar oo kamid ahaa dadkii caanka ahaa ee shirka ka qeyb galay ayaa goobta ka jeediyay Gabay ka hadlayay waaqica dalka Soomaaliya ka taagan wuxuuna ballan qaaday in Abgaal kasoo dhalaali doono ballantii uu ku galay Shabaab

20.jpg?resize=696%2C464&ssl=18-1.jpg?resize=696%2C464&ssl=177.jpg?resize=696%2C464&ssl=166.jpg?resize=696%2C464&ssl=155.jpg?resize=696%2C464&ssl=14-6.jpg?resize=696%2C464&ssl=141.jpg?resize=696%2C464&ssl=13-7.jpg?resize=696%2C464&ssl=12-8.jpg?resize=696%2C464&ssl=11-1-2.jpg?resize=696%2C464&ssl=1

The post Sawiro: Muxuu ku saabsanaa kulankii dhexmaray odayaal kasoo jeedo Abgaal iyo ururka Shabaab appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this