Sign in to follow this  
Deeq A.

Magaalooyinka Galmudug ee uu booqan doono Madaxweyne Farmaajo oo la ogaaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Maamulka Galmudug ayaa ka hadlay socdaalka la filayo inuu degaanada maamulkaasi ku tago madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo iminka socdaal ku maraya Puntland.

Magaalooyinka Galmudug ee uu booqan doono ayaa waxaa ka mida: Gaalkacyo, Cadaado iyo Dhuusamareeb, waxaana warar kale oo aan la xaqiijin sheegayaan inuu sidoo kale tegi doono degmada Caabudwaaq iyo Guriceel, inkastoo maamulka Galmudug aanay xaqiijin.

Diyaargarowga booqashada Madxweyne Farmaajo ee degaanada Galmudug ayaa laga dareemayaa magaalad Dhuusareeb, halkaasoo lagu wado in si rasmi ah loogu soo afjaro heshiiska maamullad Ahlu suna iyo Galmudug iyo midowga labada dhinac.

Safarka madaxweynaha ee Galmudug ayaa ka bilaalan doona magaalada Gaalkacyo oo uu haatan ku sugan yahay taliyaha ciidamada xoogga dalka iyo ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Magaalooyinka Galmudug ee uu booqan doono Madaxweyne Farmaajo oo la ogaaday appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this