Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawladda Federaalka oo war cad kasoo saartay dagaalka Puntland iyo Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – War-saxaafadeed ay soo saartay Dowladda Soomaaliya ayaa walaac loogu  muujiyay dagaalada dib uga soo cusboonaaday meelo ka mid ah gobalka Sool ee Soomaaliya, war-saxaafadeedka ka soo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa u qornaa-:

Dawladda Federaalka Soomaaliya oo ka walaacsan collaadaha ka soo aloosmay deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, ayaa ku baaqaysa in dhinacyada ku dagaalamaya deegaanka Tukaraq ay si deg deg ah oo shuruud la’aan ah u joojiyaan dagaalka.

Qorshaha Dawladda Federaalka ayaa ah in si deg-deg ah ay u joojiso dagaallada iyo colaadaha, waxeyna baaq u diraysaa Somaliland iyo Puntland, mas’uuliyiinta deegaankaas, odayaasha dhaqanka, aqoonyahanada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada inay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan joojinta dagaallada iyo colaadaha oo ay dawladda kala shaqeeyaan nabadeynta iyo isku soo dhaweynta dadka walaalaha ah.

Guud ahaan dalka intiisa badani waxuu ka soo kabanayaa colaadihii iyo amni-daradii ragaadisay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan degaanadan ay hadda mashaqadu ka dhacday waxey muddooyinkii dambe ahaayeen deegaanno nabad oo xasillooni ka jirto.

Dawladda Federaalka ayaa wadda dadaallo lagu xoojinayo dib-u-heshiisiin waarta oo dhammaan deegaannada la dhex dhigo, waana nasiib darro in xilligan ay dagaallo aan loo baahneyn dhacaan, tanoo fursad siineysaa dhammaan inta diidan nabadda iyo horumarka.

Dawladda Federaalka waxey ugu baaqeysaa dhammaan qeybaha ay khuseyso inaan wadajirkeenna iyo isku xirnaanteenna adkeeyno oo aan khilaafkeenna ku xallinnaa si nabad, wadahadal iyo dib-u-heshiisiin.

DHAMAAD

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Dawladda Federaalka oo war cad kasoo saartay dagaalka Puntland iyo Somaliland appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this