Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo iyo madaxweyne Gaas oo safar lug ah ugu ambo baxay magaalada Qardho.

Recommended Posts

Deeq A.   

Wafdi uu hogaaminayo madaxweyne Farmaajo uuna kamid yahay madaxweyne Gaas ayaa saakay u safray magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar, halkaas oo si weyn loogu diyaar garoobayo soo dhowayntooda.

Socdaalkaan oo lug ah ayaa ah midkii ugu horeeyay oo uu madaxweyne Farmaajo ku tagidoono magaalada Qardho, waxaana la filayaa inuu halkaas ku sugnaado maalin iyo habeen, kadibna isagoo usii gudbidoona magaalada Bosaso.

Ammaanka magaalada Qardho ayaa lasii xoojiyay, iyadoo halkaas ay xalay gaareen wafuud horudhac usii ahayd madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweynaha dowladda Puntland.

Safarka xiga madaxdu waxay ku tagidoonaan magaalada Gaalkacyo, iyo gobolada dhexe.

Puntlandi.com

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this