Sign in to follow this  
Deeq A.

Muqdisho oo marti galineysa ciidamo cusub oo ka duwan kuwii hore

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa isbedel dhanka amniga ah laga dareemayaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, kadib markii lagu daadiyay ciidamo ka duwan kuwii hore.

Ciidamadan oo ku labisan darees tuuto madow ah ayaa inta badan Jagbuuntiyo ka sameystay laamiyada magaalada Muqdisho kuwooda ugu mashquulka badan.

Ciidamadan oo qaarkood uu wajiyada u xiran yahay ayaa la sheegay inay khibrad fog u leeyihiin maleeshiyaadka al-Shabaab ee ku dhex sugan magaalada Muqdisho.

Ciidamadan oo aad u diyaarsan ayaa qeyb ka ah Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka, waxaana jira warar sheegaya in markooda hore ay kasoo goosteen xagjiriinta al-Shabaab.

Ciidamadan ayaa wadooyinka ku kala sooca dhalinyarada nabada u bisil iyo kuwa al-Shabaab ee ku dhex jira bulshada, waxa ayna si joogta ah u qabtaan rag ka tirsan Shabaab oo ku dhex jiray shacabka.

Ciidamadan ayaa sidoo kale wata mootooyin ay ku gaafmeeran waddooyinka iyo xaafadaha qaar waxa ayna isha la raacan maleeshiyaadka al-Shabaab ee qaska iyo dilalka ka dhexwada magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, waxa ay horay gacanta ugu dhigeen maleeshiyaad ku guda jira falal amni daro ah, kuwaa oo iminka qaarkood uu ku dhacay xukuno kala duwan.

Dhinaca kale, howlgalinta ciidamada cusub ayaa waxaa bogaadiyay inta badan shacabka magaalada Muqdisho oo qaarkood ku nastay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Muqdisho oo marti galineysa ciidamo cusub oo ka duwan kuwii hore appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this