Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo u diyaar-garoobeysa dagaal ka dhan ah Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda Puntland ayaa diyaargarow ugu jirta difaaca magaalada Tuko raq oo ay shalay la wareegeen gacan ku haynteeda ciidamo ka amar qaadanaya maamulka Somaliland, waxaana socda abaabul iyo shirar looga arrinsanayo jawaabta Puntland ka bixin doonto duulaankii ciidamada Somaliland.

Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Faraweyne ayaa saacadihii lasoo dhaafey din u furey isu socodka Puntland iyo Somaliland ka dib amar uu ku xanibay maalintii shalay, wuxuuna ku sababeeyay ujeedadii laga lahaa in laga gaarey dib u furida wadada isku xirta Garowe iyo Hargeysa.

Sidoo kale wararka laga helayo Madaxtooyadda Puntland ayaa sheegaya Madaxweynaha Puntland inuu magacaabay saddex guddi oo ka shaqeynaya diyaargarow Puntland ugu jirto difaaca xuduudaheeda, waxaana warar dheeraad ah soo gaaraya warbaahinta PUNTLAND POST sheegayaan in maalinta beri ah loo balansan yahay shir maamulka iyo qeybaha bulshada ku dhexmari doona guriga Gobolka Nugaal.

Dhinaca kale ilo wareedyo laga helayo qaar ka mid ah gollaha xukuumadda Puntland ayaa sheegaya inay dib u dhigtey Puntland qorshayaashii ay  damacsanayd in looga jawaabo weerarkii shalay uga yimid maamulka Somaliland tan iyo inta uu dib ugu noqonayo Muqdisho Madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo maalintii saddexaad ku sugan magaalada Garowe.

Isku soo wada duuboo hadal haynta ugu badan ee shacabka Puntland waxay ku qotontaa dhaq dhaqaaqa ciidan ee Somaliland ka wado deegaano ka tirsan Gobolka Sool.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

The post Puntland oo u diyaar-garoobeysa dagaal ka dhan ah Somaliland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this