Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Maxay kawada hadleen Wasiirka Maaliyada XFS & dhigiisa dalka Qadar

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Doha ee xarunta dalka Qadar gaaray wafdi uu Hogaaminaayo Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaalle Beyle.

Wasiirka ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinaaya Saraakiil ka tirsan Wasaarada gaar ahaan qeybaha la socodka dhaqaalaha, waxaana magaalada Doha kula kulamay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee dalkaasi Cali Shariif Al-Emadi.

Wasiirka Maaliyada Somalia iyo dhigiisa Doha ayaa si qoto dheer uga wada hadlay arrimo dhowr ah oo khuseeya dhanka dhaqaalaha iyo Horumarinta.

Wasiir Beyle ayaa dhigiisa Doha ka dalbaday in lagala shaqeeyo dhanka maaliyada, iyadoo la sameynaayo iskaashi dhanka maaliyada ah, si loo hormariyo dhaqaalaha Somalia.

Wasaaradda Maaliyadda ee dalkaasi Cali Shariif Al-Emadi, ayaa dhankiisa ka sheegay inay garabtaagan yihiin dowlada Somalia isla markaana ay ka caawinayaan dhanwaliba sida dhaqaalaha iyo Horumarka.

Wasiir Beyle waxa uu sidoo kale sheegay in dalka Qadar uu uga qeyb galay Shirka Wasiiradda Dalalka Islaamka oo magaaladda Doha lagu qabtay.kulan-2-1-640x360.jpg?resize=696%2C391

kulan-3-1-1024x576.jpg?resize=696%2C392

kulan-1-1-1024x576.jpg?resize=696%2C392

The post Sawirro: Maxay kawada hadleen Wasiirka Maaliyada XFS & dhigiisa dalka Qadar appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this