Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Mareykanka oo Somalia ku wareejiyay gaadiid casri ah oo aanu xabada karin

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Waaxda Arrimaha Dibadda ee dalka Mareykanka ayaa dowlada Somalia ku wareejisay Gaadiid nooca aanu xabada Karin.

Waaxda ayaa gaadiidkaasi oo Lix ah ku wareejisay Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Somalia Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, waxaana ku wareejiyay Saraakiil ka socta dowlada Mareykanka.

Gaadiidkan oo aanu xabadu Karin ayaa waxaa loogu talo galay Wasaarada Difaaca Somalia, waxaana si rasmi ah ula wareegay Wasiirka.

Saraakiisha ka socotay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegay in gaadiidka ay Dowladda Mareykanku ugu talagashay in lagu kaabo Wasaaradda Difaaca Soomaaliya,si ay ugu qabato adeegyada muhiimka ah ee bulshada  ay u hayso Wasaaradda.

Sidoo kale, Wasiirka Difaaca Somalia ayaa dowlada Mareykanka uga mahadceliyay sida ay u garab taagantahay ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed,oo dagaal kula jira ururka Al-shabaab.

Gaashaandhiga-4-1024x768.jpg?resize=696%2C522

Gaashaandhiga-3-1024x768.jpg?resize=696%2C522

Gaashaandhiga-2-1024x768.jpg?resize=696%2C522

Gaashaandhiga-1-1024x768.jpg?resize=696%2C522

The post Sawirro: Mareykanka oo Somalia ku wareejiyay gaadiid casri ah oo aanu xabada karin appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this