Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo iyo madaxweyne Gaas oo booqasho siyaaro ah ugu tagay qaar kamid ah salaadiinta dhaqanka ee Garowe ku sugan.

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa booqasho siyaaro ah ugu tagay Islaan Ciise Islaan Maxamed, Garaad Saleebaan Garaad Maxamed iyo Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo ka mid ah duubabka dhaqanka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Madaxweynayaasha waxa ay soo kormeereen Isbitaalka Guud ee magaalada Garoowe iyaga oo warbixin ka dhageystay maamulka iyo dhakhaatiirta Isbitaalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa inta uu ku suganyahay Puntland waxa uu kulamo wadatashi la yeelan doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada.

unnamed-1.jpg unnamed-2.jpg unnamed-3.jpg unnamed-4.jpg unnamed-5.jpg unnamed.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this