Sign in to follow this  
Deeq A.

BREAKING NEWS:- Gollaha wasiiradda Puntland oo shir albaabada ulaaban yahay haatan uga socdo xarunta madaxtooyada.

Recommended Posts

Deeq A.   

Gollaha wasiiradda Puntland iyo madaxweyne Gaas, ayaa haatan shir albaabada ulaaban yahay wuxuu uga socdaa xarunta madaxtooyada, iyadoo halkaas ay ku sugan yihiin bahda saxafada oo sugaya natiijada kasoo baxa shirkaan.

Wararka uu warsidaha Puntlandi ka ogaaday shirkan waxay sheegayaan in looga hadlayo xaalada degmada Tukaraq ee gobolka Sool, halkaas oo maalintii labaad ay ku sugan yihiin maleyshiyaad katirsan maamulka Hargeysa.

Waxaa la filayaa inay dowladdu iclaamiso dagaal ay dhulkeeda kaga difaacanayso cadowga kagasoo duulay Hargeysa.

Wixii aqbaar ah oo dambe kala socda Puntlandi.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this