Sign in to follow this  
Deeq A.

Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed oo ka jawaabtay Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Ganacsiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Caasimadda Online) Mid ka mid ah labada dhinac ee ay u qeybsan tahay Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed ayaa ka soo horjeestay qoraal ka soo baxay dhowaan Wasaaradda ganacsiga xukuumada Somalia oo sheegayey in la xaliyey khilaafkii ka taagnaa mudooyinkan Rugta ganacsiga gobolka Banaadir.

Qoraalka oo uu ku saxiixnaa Maxamuud Cabdi Cali (Gabayre) oo ah guddoomiyaha garab ka mid ah labada garab ee rugta ganacsiga ayaa sheegay in qoraalka ka soo baxay Wasiiraddii xilka laga qaaday ee Wasaarada ganacsiga uu ahaa mid lala yaabo oo sii hurinaya khilaafka markii horeba ka taagnaa rugta ganacsiga, waxaana qoraalka lagu xusay ineysan aqoonsaneyn warqada ay soo saartay Wasiiradda xilka ka degtay iyo waxyaabaha ku qoran.

Rugta ganacsiga Soomaaliyeed ayaa waxaa mudooyinkanba ka dhex aloosnaa khilaaf dhinaca Maamulka ah oo sababay iney laba garab u kala jabaan.

Qoraalka maanta ka soo baxay dhinac ka mid ah Rugta ganacsiga Soomaaliyeed ayaa u qornaa sidatan:-

received_1440372129425155.jpeg?resize=69received_1440372032758498.jpeg?resize=69

gan1.jpg?resize=696%2C845

 

The post Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed oo ka jawaabtay Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Ganacsiga appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this