Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo Madaxwaynaha DF Soomaaliya oo kulan Laqaatay ardayda Jaamacadda Bariga Afrika .

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 09-Jan-2018 hoolk shirarka ee Jaamacadda Bariga Afrika faraceeda magaalada Garoowe kula kulmay boqollaal arday ah oo wax kabarta Jamaacadaha ku yaala magaalada Garoowe ee caasimadda dawladda Puntland .

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale kasoo qayb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, xubno ka tirsan labada gole ee dawladda Puntland iyo Federaalka Soomaaliya, saraakiisha Madaxtooyada dawladda Puntland, Maamulka iyo barayaasha Jaamacadda Bariga Afrika.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ardaydii kasoo qayb gashay kulanka uga sheekeeyey qiimaha ay leedahay wax-barashadu iyo doorka ay kaqaadan karto aqoontu dhismaha iyo horumarka dalka.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale ku boorriyey ardayda in ay dedaalkooda kor u qaadaan oo ay ahmiyad gaar ah siiyaan wax-barashada si’ay uga qayb qaataan horumarka dalka maadaama ay yihiin jiilkii beddeli lahaa Jiilka hada talada haya.

Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliy Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa isaguna ardayda uga sheekeeyey muhiimadda wax-barashadu leedahay isagoona xusay in waqtigiisa inta badan uu siindoono wax_barashada si looga baxo dhibaatooyinka dalka kajira .

Dhinaca kale Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxwaynaha DF Soomaaliya ayaa waxa ay soo kormeereen Cusbataalka guud ee magaalada Garoowe waxayna halkaas kula kulameen hawl-wadeenada cusbataalka ,isla markaana waxay mid mid u booqdeen qaar ka mid ah bukaanada jiifa cusbataalka

Ugu danbayn Madaxweynaha dawladda Puntland iyo Madaxwaynaha DF Soomaaliya ayaa waxay hawgooda ku booqdeen qaar ka mid ah isimada Puntland waxaana ka mid ahaa Islaan Ciise Isalaan Maxamed, Suldaan Sidiid Maxamed Garaase iyo Garaad Salaymaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud .

IMG_0030.jpg IMG_0031.jpg IMG_0040.jpg IMG_0041.jpg IMG_0044.jpg IMG_0046.jpg IMG_0105.jpg IMG_0109.jpg IMG_0115.jpg IMG_0134.jpg IMG_0145.jpg IMG_0180-1.jpg IMG_0185.jpg IMG_0186.jpg IMG_0187.jpg IMG_0192.jpg IMG_0194.jpg IMG_0199-1.jpg IMG_0201.jpg IMG_0203.jpg IMG_0206.jpg IMG_0212.jpg IMG_0216.jpg IMG_0227.jpg IMG_0232.jpg IMG_0250.jpg IMG_0255.jpg IMG_0257.jpg IMG_0260-1.jpg IMG_0261.jpg IMG_0279-1.jpg IMG_0019.jpg IMG_0026.jpg IMG_0029.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this