Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulanka Madaxda Afrika oo looga hadli doono arrimo ku saabsan Soomaaliya.

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dalka Rwanda, Paul Kagame ayaa la filaya in uu shir guddoomiyo Kulanka Madaxda Afrika ay dabayaaqada bishaan ku yeelan doonaan magaalada Addis Ababa ee Xarunta Waddanka Ethiopia.

Kulanka oo socon doona inta u dhexaysa 28 iyo 29 bishaan Jennaayo ayaa la filaya in diiradda lagu saarayaa arrimo ay kamid yihiin; dagaalka Al-shabaab,ka bixitaanka AMISOM ee Soomaaliya, iyo colaadda ka jirta dalalka Koonfurta Sudan iyo Congo.

Mudane.Kagame oo shir guddoonka sannadkii hore kala wareegay Madaxweynaha dalka Guinea,Alpha Conde ayaa sidoo kale la filaya in uu Madaxda horkeeno qorshe ku aaddan in dib u habayn lagu sameeyo Ururka Midowga Afrika oo sannadihii dambe hawlgab noqday.

PUNTLNADPOST

The post Kulanka Madaxda Afrika oo looga hadli doono arrimo ku saabsan Soomaaliya. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this