Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal Xooggan oo Maalintii labaad ka socda gobolka Hiiraan.

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha Guutada 5 aad ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ee gobolka Hiiraan Gen.Tawane Axmed Gurey oo duhurnimadii Maanta shir jaraa’iid ku qabtay Magalaada Baladweyne,ayaa sheegay in ciidamada dowlada Soomaaliya Kuwa iyo Ethiopia ee ku hawlgala magaca AMISOM ay Al-shabaab kala wareegeen degaanno dhowr ah oo u dhexeeya Baladweyne,Maxaas iyo Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Gen.Tawane ayaa sheegay in dhulka buuraleyda ah ee oo u dhexeeya magaalooyinka Baladweyne, Matabaan iyo Maxaas u ka socdo dagaal Al-shabaab halkaasi looga saarayo. Dagaal ayaa  u dhexeeya Ciidamada Xoogga dalka oo ay weheliyaan kuwa Ethiopia ee ka tirsan AMISOM iyo Al-shabaab oo dhinac ah.

Ciidamada Huwanta ah ayaa shalay hawlgal ballaaran ku qaaday degaannada ay Al-shabaab kaga sugan yihiin gobolka,gaar ahaanna dhulka buuraleyda ah ee ay gabbaadka ka dhigtaan dagaallamayaasha Al-shabaab,islamarkaana ay dagaallada kaga soo qaadaan magaalada Baladweyne.

Wixii ka soo kordha kala soco:Puntlandpost.net

The post Dagaal Xooggan oo Maalintii labaad ka socda gobolka Hiiraan. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this