Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahin: Ciidamada dowladda Soomaaliya oo dhexdooda dagaalamay iyo Askar la dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Mahadad (Caasimadda Online) – Iska hor imaad dhex maray ciidamada dowladda Somaaliya oo dhexdooda ku dagaalamay degmada Mahadaay ee Gobolka Sh/Dhexe ayaa lagu dilay aska dhowr ah.

Wararka laga helayo Mahadaay ayaa sheegaya in saddex askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ay ku geeriyoodeeny iska horimaadka ka dhacay Magaalada Mahadaay, kadib markii ay isku qabteen lacag laga qaado ganacsatada Qaadka geysa Magaaladaasi, kadibna ay dagaalameen.

Ciidanka is fara saaray ayaa ku murmay qaabka ay u qaybsanayaan lacagta laga qaado ganacsatada Qaadka, waxaana taasi ay keentay in ciidamada dhexdooda ka dagaalamaan, saddexda askari ee ay iska dileen ka sokow ayaa la sheegay inuu jiro qasaare kale dhaawacyo ah.

Ciidamada dowladda ayaa inta badan dhexdooda is fara saara, taasoo ay ugu wacan tahay iyadoo aanay jirin qaab ciidan rasmi ah, ayna ciidamada u badan yihin kuwo beeleed oo aan lahay dishilibiliin ciidan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Faahfaahin: Ciidamada dowladda Soomaaliya oo dhexdooda dagaalamay iyo Askar la dilay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this