Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo kusii jeeda magaalada Qardho.

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo,  ayaa maanta ku wajahan magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar halkaasi oo haatan looga diyaar garoobayo soo dhowayntiisa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hadda kasoo baxay jaamacadda bariga Afrika halkaasi oo uu kula hadlay kumanaan kamid ah kumanaan kamid ah ardayda jaamacadaha wax ka dhigta, kuwaas oo madaxweynaha ka dhegaystay warbixin dheer oo ku saabsanayd siyaasada dowladdiisa uga degsan jihaynta mustaqbalka jiilka soo baxaya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kormeer ku sameeyay qaar kamid ah xarumaha dowladda ee Garowe, waxaana kormeerkaas ku wehliya madaxweyne Gaas.

Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa madaxweynaha iyo wafdigiisa Qado sharaf ugu diyaariyay magaalada Qardho.

Puntlandi.com

Garowe

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this