Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii Ugu Dambeeyay Xaaladda Deegananadii Ay Ku Dagaallameen Ciidamada Puntland Iyo Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Degaansho cago badan aan ku taagneyn ayaa laga soo sheegayaa deegaannao ka tirsan gobolka Sool oo ay shalay ku dagaallameen ciidamada Puntland iyo Somaliland.

Wararkii ugu dambeeyay ee Goobjoog News ka heshay halka lagu dagaallamay ayaa sheegaya in  Labada dhinac u kala tageen gurmadyo xooggan.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in dadkii ugu badnaa ay saakay isaga barakaceen deegaanka Tukaraq oo shalay subax lagu dagaallamay.

Ciidamada Somaliland ayaa lahaa weerarka dagaalkan, kadib markii ay shalay dagaal ku qabsadeen deegaanka Tukaraq.

Maamulka Puntland oo dagaalkan ka hadlay wuxuu sheegay in Somaliland uga dan leedahay carqaladeynta safarka madaxweyne Farmaajo ee deegaannada Puntland.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this