Sign in to follow this  
Deeq A.

Isku Socodkii Gaadiidka Dadweynaha Ee Puntland Iyo Somaliland Oo La Hakiyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulka Puntland ayaa ku dhowaaqay in ay hakiyeen isku socodkii gaadiidka dadweynaha ee deegaannada maamulkaasi iyo kuwa Somaliland.

Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Faraweyne, ayaa u sheegay warbaahinta in gabi ahaanba la joojiyey isku socodkii Labada dhinac.

Waxa uu tilmaamay guddoomiyaha in si kooban loo ogol yahay iney socdaan gaadiidka mas’uuliyiinta maamulkooda iyo sidoo kale kuwa ciidamada.

Sidoo kale, guddoomiye Faraweyne ayaa sheegay in dadka kasoo jeeda deegaannada Somaliland ay si nabad ah ku joogi karaan Puntland, balse aan la aqbali doonin in ammarkooda la jabiyo.

“Waxaa la joojiyey wax walbo oo gaadiid ah oo u socda gobollada isku magacaabay Somaliland ama waqooyi Soomaaliya, ma rabno iney dhibaato gaarto dad Soomaaliyeed oo safar soo galay, kaliya waxaa la ogol yahay gaadiidka mas’uuliyiinta iyo kuwa ciidamada, sababtana waa la wada ogyahay” ayuu yiri guddoomiyaha.

Ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland ayaa ku dagaallamaya deegaanno ka tirsan gobolka Sool.

Goobjoog News

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this