Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah Faahin: Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qara Miino oo saakay ka dhacay wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho.

Miinadan oo la sheegay iney ku aasneyd dhulka ayaa lala eegtay gaari ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka, gaar ahaan kuwa Booliiska.

Qaraxan ayaa haleelay qeybta dambe ee gaariga, waxaana ku dhaawacantay Labo askari, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen saraakiil dhanka amniga ah.

Goobta uu qaraxan ka dhacay waxaa gaaray ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka, kuwaasi oo halkaasi baaritaan ka bilaabay, balse lama sheegin cid ay arrintan usoo qabteen.

Warkaan wixii kuso kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this