Sign in to follow this  
Deeq A.

Kheyre oo hal arrin ugu baaqay Beesha Caalamka xili ay jiraan caqabado dhowr ah (Maxay tahay)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa Beesha Caalamka ugu baaqay inay dadajiyaan qorshaha Somalia looga cafinaayo deymaha lagu leeyahay.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa sheegay in Somalia ay ku adkaaneyso bixinta deymahaasi, maadaama uu yiri ay iminka ka gudbayaan xaalada duruufeed ee ka dhalatay colaadihii muddo fog ka taagnaa Somalia.

Kheyre waxa uu tilmaamay in Somalia qudheeda ay weli ku dhex jirto guddoonka deeqo kaga imaada adduunka intiisa kale, sidaa aawgeed ay adag tahay in la helo dhaqaale ay ku magi karaan deymaha lagu leeyahay.

Kheyre oo wareysi siinaayay Wargeyska Fanancial Times ee ka soo baxa dalka Britain, ayaa sheegay inay ku celcelinayaan in laga dhaafo deymaha, maadaama Somalia ay weli ku jirto xili ay u baahan tahay saaxiibada.

Waxa uu sheegay in dowladda ay ku dadaaleyso sidii ay u dhisi lahayd hanaan Maamul oo la aamini karo, islamarkaana waxaa uu rajo ka muujiyay in Somalia ay noqon doonto meel Qatar la’aan ah oo cid waliba ay isku aamin karto.

Waxa uu Kheyre xusay in miisaaniyada dowladda ay hadda tahay 274 Million oo kaliya, taas oo uu sheegay in aysan ku filneyn in laga sameeyo barnaamiyada bulsho.

Waxaana uu tilmaamay in  si loola dagaalamo al-Shabaab loo bahan yahay Dowlad wanaagsan, waana sabab aan Beesha Caalamka uga dalbaneyno kaalmo dheeraad ah ayuu yiri RW Kheyre.

Si kastaba ha ahaatee, dowlada Somalia ayaa lagu leeyahay deymo gaaraya 4 Bilion oo Doller, taas oo inta badan ah dul saar iyo ganaaxyo ka dhashay Deymihii lagu Lahaa Dowladdii Dhexe ee dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Kheyre oo hal arrin ugu baaqay Beesha Caalamka xili ay jiraan caqabado dhowr ah (Maxay tahay) appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this