Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Axmed Fiqi: “NISA waa inaan laga dhigin mid ay ku shaqeystaan dad dawladda xilal ka haya..”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo hore u soo noqday taliyaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka NISA ayaa hambalyo u diray bahda NISA, sanad-guurada 48-aad ee ka soo wareegtay aasaaskeeda.

Xildhibaanka oo ka mida mucaaradka ugu waaweyn ee dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa sheega in NISA lagu bartay sumcad, magac wanaagsan & mas’uuliyad ayey hey’adani, wuxuna bogaadiyey shaqaalaheeda kala duwan oo si xirfadaysan shaqadooda u qabsada.

“Waa waajib in magacaas wanaagsan la dhowro oo aan hey’addan laga dhigin mid dad dawladda xilal ka haya oo dano gaar ah leh ay ku shaqeystaan ama gacmaha u galiyaan dhiig iyo magac xumo taariikhdeeda daba socda…:” ayu yiri xildhibaan Fiqi oo warkan ku soo beegay dabaaldegga sanadguurada 48-aad ee NISA.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Xildhibaan Axmed Fiqi: “NISA waa inaan laga dhigin mid ay ku shaqeystaan dad dawladda xilal ka haya..” appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this