Deeq A. Posted January 9, 2018 Sida ay sheegayaan warbaahinta dalka Tunisia hal qof ayaa ku dhintay dibad-baxyo looga soo horjeedo xukuumadda kuwaas oo ka dhacay Tiberias. Dibad-baxyaasha ayaa waxay ka careysanyihiin sare u kac ku yimid qiimaha badeecada iyo canshuur cusub oo lagu soo rogay magaalooyin ka tirsan dalkaasi. Sidoo kale dibad baxaan ayaa waxaa ku dhaawacmay 5 qof oo kale ka dib markii uu isku dhac uu dhex maray dibadbaxyada iyo ciidamada ammaanka sida ay sheegeen dad ku sugan magaalo ku taallo galbeedka caasimadda Tunisia. Dibad-baxyaasha ayaa waxay ku fideen ku dhawaad 10 magaalo oo ka tirsan Tunisa waxaana ka mida magaalooyinka ay ku faafeen dibad-baxyaashaan Sidi Bouzid, Bou Hajla. Ciidamada ammaanka ayaa waxay adeegsadeen gaaska indhaha ka ilmisiiya si ay u kala ceyriyaan dibad baxyaasha ka cabanaya sare u kaca ku yimid badeecooyinka canshuuraha cusub ee lagu kordhiyey. Source Share this post Link to post Share on other sites