Sign in to follow this  
Deeq A.

(Dhegayso) Madaxweyne Farmaajo.” Reer Puntland waa dad mar walba ilaashada nabadooda soona dhoweeyay dowlad kasta oo Soomaaliyeed.

Recommended Posts

Deeq A.   

IMG_0244.jpgGarowe (Puntlandi) Madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ku ammaanay shacabka reer Puntland inay yihiin dad ilaashada nabadooda islamarkaana soo dhoweeya gacantana ufidiya dowlad kasta oo Soomaaliyeed,

“Nabadu waa furaha nolshada, Haddii aysan Puntland  nabadi ka jiri lahayn intaas oo Airport, intaas oo laamiyo ah iyo horumarka dhismayaasha haatan socda ma suurto gali lahayn in lagu tilaabsado,” ayuu yidhi madaxweyne Farmajo, isagoo intaas ku daray in uu ku faraxsan yahay muuqaalka uu kala kulmay Puntalnd.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale shacabka Puntland ku ammaanay sida ay u garab istaagan yihiin dowladdooda ugana qeyb qaadanayaan horumarka iyo isku tashiga lagu dhisay kaabayaaal badan oo uu kamid yahay garoonka diyaaradaha Garowe, kaasoo usoo qaatay tusaale wanaagsan oo ku dayasho mudan.

“Shacabka Puntland waxaan leeyahay waad ku mahadsan tihiin sida aad ugu kalsoon tihiin dowladdiina, dowladda waxaa laga rabaa inay kalsoonidaas ka dhabeyso oo aan idiin qabano waxaad naga filaysaan.” ayuu yidhi Farmaajo.”

Halkaan ka dhegayso codka madaxweynaha.

      Madaxweyne Farmaajo - Madaxweyne Farmaajo

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this