Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Jibuuti oo diyaar u ah inay shirkadooda Air Jibuuti duulimaad ka bilowdo garoomada Puntland.

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Puntlandi) La taliyaha madaxweynaha dalka Jibuuti, Cabdiraxmaan Cabdulaahi Cali, ayaa sheegay dowladda Jibuuti inay diyaar u tahay in diyaaradooda Jibuuti Air ay duulimaadyo ka bilowdo garoomada Puntland.

Taliyaha madaxweynaha Jibuuti oo kamid ahaa masuuliyiintii lagu casuumay furitaanka garoonka diyaaradaha Garowe, ayaa cadeeyay inay ku faraxsan yihiin in diyaaradoodii ugu horeysay oo ganacsi ah ay kasoo degto Puntland, isagoo sheegay Puntland iyo Jibuuti inay yihiin dad walaalo ah oo wax badan ay ka dhexeeyaan.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa balanqaaday dowladdu inay gacmo furan kusoo dhoweyndoonto shirkad kasta oo doonaysa inay duulimaad ka sameyso garoomada Puntland, wuxuu si gaar ah uga mahad celiyay diyaarada Air Jibuuti oo noqotay diyaaradii ugu horeysay oo heer caalami ah oo kasoo dagta garoonka cusub ee Garowe.

Dhinaca kale, garoonka diyaaradaha Garowe, ayaa isla shalay waxaa ka bilowday duulimaadyadii ugu horeeyay, waxaana  ka duulay dadkii ugu horeeyay oo shacab ah, iyagoo aad usoo dhoweeyeen sida garoonka loo dhisay.

DAAWO SAWIRRADA.

26230538_142086786582251_797851950874214 26196026_142086176582312_102292664031115 26239739_142086103248986_559765751523098 26730819_142086036582326_276838841218735 26239823_142085949915668_216339713087824 26230611_142085869915676_598408807801496 26229895_142085799915683_216055520791844

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this