Sign in to follow this  
Deeq A.

Juxa “Dalka Soomaaliya waa uu dayacanyahay”

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirkii hore ee Arimaha Gudaha Xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid Juxa oo ka hadlayay munaasabad uu xilka ku wareejinayay oo ka dhacday Muqdisho ayaa ka hadlay arimo kala duwan.

Juxa ayaa sheegay in dalka Soomaaliya uu soo maray marxalado kala duwan hayeeshee iminka ay kala daadsantahay kalsoonida Shacabka ay ku qabaan Dowlada Soomaaliya.

Juxa ayaa sheegay in Koox kale ah ama shaqsiyaad dalka aanay waxba ka qaban karin isaga oo sheegay in hadalo kala duwan loo isticmaalo dadka siyaasad ahaan ka soo horjeedo Dowlada.

“Intii burburka inagu dhacay sanadihii u dambeeyay waxa ugu weyn ee na soo maray waa Wadaad kaa fikir duwan oo kugu dhufta Shabadda Cadaabta ama Madax ka fikir duwan tahay oo kugu dhufata shabadda Mucaaradnimada ama qaran dumis”ayuu yiri Cabdi Faarax Juxa.

Dhowaan Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa xilkii ka qaaday sadax wasiir uu kamid yahay Wasiir Juxa.

Hoos ka dhageyso Codka 

http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/01/Cod-Juxa.mp3

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho

The post Juxa “Dalka Soomaaliya waa uu dayacanyahay” appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this