Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo daah-furay Garoonka Cusub ee Diyaaradaha Garoowe.

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa si wada jir ah maanta oo Isniin ah u Daah-furay garoonka diyaaradaha ee Janaraal Maxamed Abshir Muuse ee magaalada Garoowe.

Madaxweynaha Puntland, C/wali Maxamed Cali Gaas oo ugu horeyn ka hadlay Munaasabada daah furka Garoonka diyaaradaha magaalada Garowe ayaa sheegay in mudo ay ku taamayeen iney helaan Garoon caalami ah oo laga hirgeliyo Garowe oo hadda caasimad u ah maamulka Puntland,islamarkaana ku suurta gashay isku tashi dadweynaha iyo Dowlad Goboleedka Puntland ah.

Wuxuu madaxweynaha Puntland Mr. Gaas uu sheegay in Dowladda Federaalka looga baahan yahay dhameystirka Garoonka iyo iney daboosho baahida loo qabo adeega tababarada,qalabka iyo baahiyaha kale ay qabaan shaqaalaha Garoonka diyaaradaha magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland.

Madaxweynihii hore Puntland Mudane Cabddiraxmaan Maxamed Faroole oo Munaasabadda hadal ka jeediiyey ayaa sheegay in mudadii Xukuumaddisa uu dadaal dheer u galay hirgelinta Garoonkaan Cusub.

Madaxweynaha Janhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo oo soo xiray Munaasabada ayaa sheegay in marka hore maamulka Puntland uga mahad celinayaan horumarka dhanka dumuqraadiyada ay ku tallaabasadeen,wuxuuna ku amaanay dadaalka ay geliyeen sidii loo heli lahaa Garoon caalami ah oo la jaan qaada Garoomada kale ee caalamka oo laga hirgeliyo magaalada Garowe.

Waa Garoonkii labaad oo laga hirgeliyo Puntland,waxaana Garoonka diyaaradaha Garowe ee maanta xariga uu ka jaray madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo loogu magacdaray Generaal Abshir Maxamed Muuse oo qeyb ka ahaa saraakiishii Ciidamada Puntland.

IMG_0130.jpg?resize=1000%2C667

IMG_0131.jpg?resize=1000%2C667

IMG_0132-1.jpg?resize=1000%2C667

IMG_0133.jpg?resize=1000%2C667

IMG_0154-1.jpg?resize=1000%2C667

IMG_0155.jpg?resize=1000%2C667

IMG_0198.jpg?resize=1000%2C667

IMG_0263.jpg?resize=1000%2C667

IMG_0264.jpg?resize=1000%2C667

IMG_0273.jpg?resize=1000%2C667

IMG_0278.jpg?resize=1000%2C667

IMG_0283.jpg?resize=1000%2C667

IMG_0288.jpg?resize=1000%2C667

IMG_0293.jpg?resize=1000%2C667

IMG_0294.jpg?resize=1000%2C667

IMG_0295.jpg?resize=1000%2C667

IMG_0296.jpg?resize=1000%2C667

IMG_0297-1.jpg?resize=1000%2C667

IMG_0303.jpg?resize=1000%2C667

IMG_0304.jpg?resize=1000%2C667

IMG_0324.jpg?resize=1000%2C667

IMG_0355.jpg?resize=1000%2C667

IMG_0360.jpg?resize=1000%2C667

IMG_0363.jpg?resize=1000%2C667

IMG_0364.jpg?resize=1000%2C667

IMG_0131-1.jpg?resize=1000%2C667

 

The post Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo daah-furay Garoonka Cusub ee Diyaaradaha Garoowe. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this