Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Dagaalka Tukaraq Waxaa Lagu Carqaladeynayaa Booqashada Madaxweyne Farmaajo

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowlad goboleedka Puntland oo qoraal ka soo saaray dagaal ay Somaliland kula wareegeen deegaanka Tukaraq oo ka tirsan Sool waxaa sheegeen in dagaalkaas la doonayo in lagu carqaladeeyo booqashada madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu ku joogo magaalada Garoowe.

Puntland waxaa ay qoraalkaasi ku sheegay in ay ka jawaabi-doonto wixii dhacay iyada oo shacabkeeda ku war-gelisay in ay u diyaar-garoobaan difaaca dhulkooda.

Ugu dambeymntii, Puntland dowladda Soomaaliya, beesha caalamka iyo dalalka dariska ku war-gelisay in aanay mas’uul ka noqon-doonin khasaaraha iyo cawaaqib xumida ka dhalan karta.

Akhriso, Qoraalka:

puntland

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this