Sign in to follow this  
Deeq A.

(Dhegayso) Dowladda Puntland oo ka hadashay duulaanka qaawan oo Soomaaliland kusoo qaaday gobolka Sool.

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka amniga dowladda Puntland, Axmed Cabdulaahi Yuusuf (dowlad), ayaa si adag u cambaareeyay duulaan ciidanka maamulka Soomaaliland kusoo qaadeen degmada Tukaraq ee gobolka Sool.

Wasiirka amniga oo BBC- u waramayay ayaa sheegay tilaabadaan inay u arkaan mid ay Soomaaliland ku taageerayso kooxaha argigixisada ay dowladda Puntland dagaalka kula jirto.

“Arrinta saakay ka dhacday Tukaraq waa arrin aanu u aragno inay tahay taageero lasiinayo argigxisada, caalamkanka waxaan u sheegaynaa inay Soomaaliland qaadayso masuuliyada wixii ka dhasha abaabulka ay ka wado gobolka Sool,” ayuu yidhi dowlad.

Wasiirka amniga ayaa sidoo kale sheegay maamulka Hargeysa inuusan marnaba sheegan karin degaano Puntland dhulkeeda kamid ah oo Soomaaliland ay si xoog ah ku haysato.

Halkaan ka dhegayso codka wasiirka amniga.

      Wasiirka amniga Puntland

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this