Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Mahad Salaad oo la ogaaday inuu hurinayo dagaal beeleedyo ka dhacay Gobolka Galgaduud

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Shalay Gelinkii dambe ayaa waxaa dagaal khasaaro geystay waxa uu duleedka degmada Balanbale ee Gobolka Galgaduud ku dhexmaray laba Beelood oo halkaasi ku wada nool.

Maamulka degmada Balanbale ayaa ayaa faah faahin ka bixiyay dagaalkaas kaas oo sheegay  ay ku lug leeyihiin Siyaasiyiin iyo mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Gudoomiyaha deegaanka  Balanbale ee Gobolka Galgaduud Jaamac Xeyle Maxamed ayaa Dalsan u sheegay in dagalkaas uu ka dahcay deegaanka Kaxandhaale ee duleedka Balanbale isla markaana uu ku lug leeyahay Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in ay wada dagaalameen dad Reer miyi ah oo xoolo dhaqato ah,isla markaana dadkaas ay dagaalkooda hurinayaan Xildhibaan Mahad Salaad iyo Siyaasiyiin ku sugan Muqdisho.

Dhanka kale xiriir ayaan la sameynay Xildhibaan Mahad Salaad oo lagu eedeeynayo in uu hurinayo dagaalkaas si uu uga jawaabo eedeynta loo jeedinayo balse kama jawaabin taleefoonadeena.

Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/01/Cod-Guddoomiyaha-Deegaanka-Balamballe-Jaamac-Xeyle-maxamed-Dagaalka-ka-dhacay-Halkaa-iyo-Eedeynta-Xildhibaan-Mahad-Salaad.mp3

 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

 

The post Xildhibaan Mahad Salaad oo la ogaaday inuu hurinayo dagaal beeleedyo ka dhacay Gobolka Galgaduud appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this