Sign in to follow this  
Deeq A.

Garoonka diyaaradaha Garowe oo magac cusub loogu Wan-qalay.

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoonka diyaaradaha Garowe oo haatan xarig jarkiisa ay ka socota magaalada Garowe, ayaa loogu magac daray allaha unaxariistee Generl Maxamed Abshir Muuse, oo ahaa taliyihii ugu horeeyay ee ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, kaasoo 25 bishii Actobar ku geeriyooday dalka Maraykanka.

Madaxweyne Farmaajo iyo madaxweyne Gaas ayaa si wadajir garoonka xariga uga jaray, waxayna sheegeen in magaca garoonka lagu maamusay General Maxamed Abshir, oo ahaa shakhsi qiimo weyn uga fadhiyay ummadda Soomaaliyeed, kaasoo lagu xasuusto kaalintii uu ka qaatay dhismaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed.

Markii lagu dhawaaqay magac bixinta garoonka, ayaa hal mar madasha munaasabada waxaa is qabsaday sacab iyo mashxarad lagusoo dhoweynayay in mid kamid ah halyeeyadii Soomaaliya lagu sharfo garoonka.

26239017_1712614662142111_42211609104528 26733634_1712615055475405_84280415819128 26733862_1712615985475312_71392726822019 26169400_1712613115475599_62792653815897 26731683_1712613528808891_41528549662466

Puntlandi.com

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this