Sign in to follow this  
Deeq A.

Waa sidee xaalada gobolka Sool iyo degaanadii ciidanka Soomaliland duulaanka kusoo qaadeen?.

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka difaaca Puntland ayaa gaaray agagaarka degmada Tukaraq ee gobolka Sool, halkaas oo ay saakay weerar gaadmo ah kusoo qaadeen ciidamo ka amar qaata maamulka Soomaaliland.

Taliyaha ciidanka kumaandooska Puntland Kornayl, Jimcaale Jaamac Takar oo aan qadka taleefoonka kula xiriirnay wuxuu beeniyay inuu ciidanka Puntland khasaare kasoo gaaray iska hor imaad ay ciidanka maamulka Soomaaliland kula galeen degamda Tukaraq.

Taliyaha wuxuu inoo sheegay  ciidanka difaaca Puntland jawaab deg deg ah ka bixindoonaan duulaankaan qaawan ee lagusoo qaaday dhulka Puntland, wuxuuna sheegau in lagasoo abaabulay magaalada Hargeysa.

” Waxaan idiin sheegayaa saacadaha soo socda waxaanu ka jawaabidoonaa duulaanka maamulka Soomaaliland kusoo qaaday dhulkeena,waana gardarro cad oo la doonayo in lagu wiiqo midnimada Puntland,” ayuu yidhi taliyuhu.

Puntlandi.com

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this