Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo Hub culus ku burburisay mid kamid ah anteenooyinka isgaarsiinta Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Waqooyi Bari Dalka Kenya ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka al-Shabaab ay halkaa ka jareen Isgaarsiinta.

Maleeshiyaadka ayaa isgaarsiinta ka jaray magaalada Katulo ee Waqooyi Bari Dalka Kenya, waxaana xarunta Isgaarsiinta la faray inaanu sii deynkarin amar la’aan.

Stephen Ngetich oo ah Taliyaha booliska Wajeer,ayaa xaqiijiyay in maleeshiyaad Hubeysnaa ay Hub culus ku dhufteen anteenooyinka isgaarsiinta.

Taliyaha waxa uu sheegay in Hubka culus lagu dhuftay dhismaha laanta Sharikadda Safaricom ee magaalada Katulo, waxaana halkaa ku burburay anteenadii sahleysay xiriirka dadka degaanka iyo dalka Kenya intiisa kale.

Stephen Ngetich waxaa uu sheegay in saraakiisha iyo Ciidamada Kenya ee degaankaas ay badqabaan islamarkaana uusan jirin qof ay wax ku gaareen weerarka al-Shabaab ee magaalada Katulo.

Dhinaca kale, Stephen Ngetich waxa uu ku caga jugleeyay inay jawaab ka bixin doonaan weerarka lagu burburiyay anteenooyinka isgaarsiinta.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Al-Shabaab oo Hub culus ku burburisay mid kamid ah anteenooyinka isgaarsiinta Kenya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this