Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahin dagaalka Puntland iyo Somalinad

Recommended Posts

Deeq A.   

Ka dib iska hor imaad saaka dhexmarey Somaliland iyo Puntland waxaa ka dhex jirta labada dhinac isu hub uruursi .

Taliyaha ciidanka kumaandoosta Puntland Korneyl Jimcaale Jaama Takar oo Tafatiraha PUNTLAND POST Abshir Dhiirane goordhawayd kula kulmay duleedka magaalada Tukaraq waxa uu sheegay  inaanu jirin khasaare dhinacooda kasoo gaarey dagaalkii saaka dhexmarey  iyaga iyo Somaliland.

Labada ciidan Somaliland iyo Puntland oo iminka kala fadhiya duleedka magaalada Tukoraq wuxuu sheegay taliye Jimcaale in Puntland jawaab ka bixin doonto saacadaha soo socda weerar gaadmo ah oo uu sheegay inuu kusoo qaaday maamulka Somaliland.

Xaalada labada dhinac ayaa iminka degan wallow lagu sifeyn karo jawiga ka jira duleedka Tukoraq saansaan dagaal iyo colaad, waxaana Tukaraq hadda gacanta ku haya ciiidamada Somalinad.

PUNTLAND POST

The post Faahfaahin dagaalka Puntland iyo Somalinad appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this