Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Somaliland Oo Dagaal Ku Qabsaday Deegaan Ka Tirsan Gobolka Sool

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya gobolka Sool ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland ay dagaal ku qabsadeen deegaanka Tukaraq oo markii hore ay ku sugnaayeen ciidamada Puntland.

Saakay aroortii ayaa la xaqiijiyey in halkaasi dagaal xooggan uu ka bilowday, kadib markii ciidamada Somaliland oo aad u hubeysan halkaasi soo weerareen.

Ciidamada Puntland ayaa la xaqiijiyey in gabi ahaanba ay deegaankaasi isaga baxeen, welina lama oga khasaaraha halkaasi ka dhashay.

Ma jirto weli wax war ah oo kasoo kala baxay Puntland iyo Somaliland, waxaana jirta dhaq-dhaqaaq ciidan oo Labada dhinac ah.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this