Sign in to follow this  
Deeq A.

BREAKING NEWS:- Somaliland oo duulaan qaawan kusoo qaaday Puntland.

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulka Soomaaliland ayaa duulaan qaawan kusoo qaaday gobolka Sool ee Puntland, waxaana wararka ay Puntlandi sheegayaan in ciidan iyo gaadiid dagaal oo gaaraya boqolaal tikniko ay soo dhaafeen degmada Tukaraq ee gobolka Sool, halkaas oo ay saakay hiirtii waaberi xoog kusoo galeen.

Ciidankaan ayaa haatan waxay ku sugan yihiin halka loo yaqaano labo madax oo ah duleedka magaalada Tukaraq, sida uu Puntlandi qof ku sugan Tukaraq. “Gaadiid dagaal oo gaaraya dhowr boqol oo qaarkood la jiidayay ayaa nagasoo gudbay iyo ciidan tiro badan, waxayna haatan ku sugan yihiin aaga labo madax, raashinkooda iyo saadkoodii wataan, xalay iyo shalay oo idil ayaanu warkooda maqlaynay, saakay waa duulaan, waana ciidamadii Somaliland ee Sool oo idil ku sugnaa.” ayuu yidhi goob joogaha aanu wareysanay.

Ciidankii Puntland ee ku sugnaa Tukaraq ayaa halkaas isaga baxay waxayna ku sugan yihiin meel aan ka fogayn goobta ay ciidanka Soomaaliland ku sugan yihiin, waxaana dhexmaray iska hor imaad kooban

Soomaaliland ayaa dhawaan ku hanjabtay inay qaadayso tilaabo ay kaga jawaabayso socdaalkii wasiirka qorshaynta Soomaaliya uu ku tagay gobolka Sanaag.

Madaxweyne Gaas ayaa filayaa inuu arrintaan kaga hadlo xaflada garoonka diyaaradaha Garowem halkaas oo madaxweyne Farmaajo ku sugan yahay.

Puntlandi.com 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this