Deeq A. Posted January 8, 2018 Dalka Suudaan waxaa ka socda dibad-baxyo looga soo horjeedo sare u kaca ku yimid cuntada quuta daruuriga ah waxaana la xadidey sidoo kale rootiga. Mas’uuliyiin iyo goob joogayaal ayaa waxay sheegeen in dibad-baxyadaan uu ku dhintay hal arday waxayna ka dhaceen gobollada Daafuur iyo Neylu Arsaq halkaasi oo uu ka jiro muran u dhaxeeya dowladda iyo kooxaha Fallaagada ah. Sidoo kale magaalada Khartuum waxaa ka dhacay dibad-baxyo ay sameynayaan ardeyda dhigadda xarumaha waxbarasho waxayna booliska adeegsanayaan gaaska indhaha ka ilmasiiyo. Dabd-baxyo la mida kuwaan waxay ka dhaceen Suudaan 2016 markii uu qaaliyoobay shidaalka,waxayna madaxda ka hortageen joojinta banaanbaxa iyaga oo ka baqayey inuu soo laabto dabd-baxii dhiigga uu ku taaday ee dhacay 2013. Source Share this post Link to post Share on other sites