Sign in to follow this  
Deeq A.

Garoonka Diyaarahada Garoowe Oo Maanta Xarigga Laga Jarayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Maanta oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo uu xarigga ka jaro garoonka diyaarahada ee Garoowe.

Waxaa la dhameystiray dhismaha garoonka diyaaradaha ee Garoowe, kaasi oo qaab casri ah loo dhisay.

Mas’uuliyiinta Puntland u qaabilsan arrimaha garoomada ayaa sheegay in garoonkan ay kasoo degi karaan diyaaradaha waaweyn, islamarkaana yahay mid duulimaadyo caalami ah ka bixi karaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa safar ku jooga magaalada Garoowe, wuxuuna sidoo kale madaxweynaha tagi doonaa deegaanno kale oo Puntland ka tirsan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this