Sign in to follow this  
Deeq A.

(SAWIRRO) Dowladda Puntland oo Gaalkacyo kusoo dhoweysay wafdi uu hogaaminayay taliyaha ciidanka xoogga dalka.

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa maantay magaalada Gaalkacyo gaaray wafti uu hoggaaminayo Talyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Gaas General C/wali Jaamac Xuseen Gorod, waxaana safarka ku wehliyay Xildhibaano, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhiga, Taliyaasha qaybaha Hoggaanka Ciidanka Xoogga, iyo saraakiisha ugu sareysa Maxkamada Ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliya.

Waxaa Garoonka C/llaahi Yuusuf Waftiga kusoo dhaweeyay masuuliyiin katirsan dowladda Puntland, Guddoomiyaasha Gobolka Mudug, waxgarad iyo cuqaal ka socota labada dhinac ee Gaalkacyo, haween iyo Madasha Isdhex-galka dhalinyarada Gaalkacyo oo ah dhalinyaro ka kooban labada dhinac-ba.

Soodhayn kaddib, Taliye Gorod ayaa warbaahinta kula hadlay Garoonka Cabdullaahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacyo, waxaana uu yiri “Sharaf bay noo tahay in aan soo gaarno magaalada Gaalkacyo, safarkeenu waxaa uu la xiriiraa, labo u jeedo oo kale ah, marka ugu horraysa, waxaan u nimid in aan sii xoojinno Nabadda Gaalkacyo, bil wax ka yar ayaa kasoo wareegtay markii aan halkaan hishiis ugu kala saxiixnay dhinacyada Gaalkacyo, horayna waan u balan-qaadnay in aan Gaalkacyo kusoo laabanayno, arrinta labaad ee ugu muhiimsan ayaan ah in aan Gaalkacyo kusoo dhawaynayno Madaxwayne Farmaajo oo maalmaha soo socda kusoo waajahan Gobolka Mudug, laana baahan-yahay in aad si diiran usoo dhawaysaan”

Socdaalka uu Gaalkacyo ku gaaray Talyaha Ciidanka Xoogga waxaa uu kaga duwan-yahay safarkii hore in ay ku wehliyaan socdaalkaan saraakiisha ugu saraysa Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, kuwaasi oo xeer-ka ciqaabta Soomaaliyeed waafajin-doona cid kasta oo ka hor timaada Nabadda Gaalkacyo.

2-5.jpg 3-2.jpg 4-2.jpg 5-1.jpg 6.jpg 7-1.jpg 8-1.jpg 9.jpg 10.jpg 11-1.jpg 12-1.jpg 13-1.jpg 14-1.jpg 15.jpg 16.jpg 17.jpg 18.jpg 19.jpg 20.jpg 21.jpg 22.jpg 1-4.jpg

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this