Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo iyo Waftigiisii oo Kulan La Qaatay Xukuumadda Puntland .

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne Farmaajo iyo Waftigiisii oo Kulan La Qaatay Xukuumadda Puntland .

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa caawa oo taariikhdy tahay 07 January 2018 ka qayb galay kulan wadatashi ah oo udhexeeyay dawladda federaalka ee Soomaaliya iyo dawladda Puntland.

Madaxwaynaha aya waxaa kulanka wada tashiga ku wehelinayay Madaxwayne ku xigeenka dawladda Puntland, golayaasha dawladda Puntland, saraakiil katirsan madaxtooyada dawladda Puntland iyo masuuliyiin kale.

Kullankan oo ka dhacay hoolka shirarka ee wasaaradda maaliyadda Puntland waxaa diirada lagu saaray oo lagaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin Amniga guud ee dalka, Dimqoraadiyada iyo dhaqangalinta nidaamka federaalka, Waxaa kaloo kulanka looga hadlay xuquuqaha dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka iyo sidii deeqaha beesha caalamka bixiso si cadaalad ah loogu qaybsan lahaa.

Kulanka waxaa lagu falanqeeyay sidii maxkamadaha iyo hay’adaha cadaalada ee dowladda federaalka iyo maamul goboleedyadu u wada shaqayn lahaayeen iyo sidii hoos loogu dhigi lahaa qiimaha dadka Soomaaliyeed ay ku xajiyaan oo afar labaad ka badan qiimaha ay bixiyaan shucuubta wadamada deriska ah, waxaa kaloo looga hadlay sidii dib loogu howlgalin lahaa shirkadii diyaaradaha Somaliariline.

sidoo kale waxaa looga hadlay Muhiimada iyo miisaanka ay leedahay Isdhexgalka Bulshada Soomaaliyeed iyadoo madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya uu amaanay sida dadka Soomaaliyeed ee reer Puntland u jecel yihiin Soomaalinimada iyo isdhexgalka bulshadda.

ugu danabayn madaxwaynaha dawladda federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wefdiga uu hogaaminayo ayaa inta uu joogaan caasimadda dawladda Puntland waxaa uu kualamo laqaadan doonaa qaybaha kala duwan ee bulshada.

26219376_2056296464647873_43916677788892 26219671_2056298244647695_68495897337367 26219792_2056297071314479_48967320163093 26219842_2056298137981039_49102034976740 26220180_2056297187981134_23060415358940 26229591_2056296401314546_66075291690165 26229890_2056296397981213_11455655136393 26230747_2056298064647713_27590419530938 26231124_2056296614647858_63807416548629 26231317_2056298134647706_23638461316891 26231499_2056296881314498_39194413668189 26239207_2056296697981183_46460217307347 26219290_2056298034647716_21674742699898 26219332_2056297017981151_10550247525527

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this