Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo_Barnamij Gaar ah: Soo dhoweynta Madaxweyne Farmaajo ee Garoowe.

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxammed Cabdullaahi Maxammed(Farmaajo) iyo Wefdiga uu hoggaaminayo ee Maanta soo gaaray magaaalada Garoowe ayaa loo sameeyey soo dhoweyn aad u ballaaran oo aan loo kala harin madax iyo Shacab.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii uu soo gaaray Garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe wuxuu salaan sharaf ka qaatay cutubyo katirsan Ciidamada Puntland,isagoo ka dibna loo soo galbiyey dhinaca magaalada,halkaasoo ay ku soo dhoweeyeen kumanaan shacab ah .

Madaxweynaha Puntland Iyo Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa socod dheer ku soo maray waddoooyinka waayeyn ee magaalada Garoowe,waxaana Mudane. Farmaajo u mahad celiyay Madaxda iyo shacabka Puntland ee soo dhoweeyey.

Haddaba Warbaahinta PUNTLAND POST ayaa Barnaamij Gaar ah ka diyaarisay soo dhoweynta Madaxweyne Farmaajo ee magaalada Garoowe.

Halkaan ka daawo Barnaamijka.

 

The post Daawo_Barnamij Gaar ah: Soo dhoweynta Madaxweyne Farmaajo ee Garoowe. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this