Sign in to follow this  
Deeq A.

BREAKING NEWS:- Madaxweyne Farmaajo oo kasoo dagay Garowe.

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhowayd kasoo dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe, waxaana halkaas kusoo dhoweeyay madaxweynaha dowladda Puntland iyo xukuumadiisa iyo shacab aad u badan.

Farmaajo ayaa si weyn ula dhacay soo dhowaynta loo sameeyay, iyadoo magaalada oo dhan maanta udiyaarsanayd sidii loosoo dhoweyn lahaa, waxaana la filayaa inuu ku hakado barxada Garowe halkaas oo ay kumanaan shacab ah ku sugayaan inuu kula hadlo.

Labada madaxweyne ayaa warbaahinta kula hadlaya xarunta madaxtooyada Garowe, waxaana si weyn loo adkeeyay ammaanka caasimadda iyadoo ciidamada amniga ay la socdaan dhaqdhaqaaq kasta oo xagga amniga la xiriira.
Madaxweyne Farmaajo ayaa maalinta berrito ah xariga ka jaridoona garoonka diyaaradaha Garowe.

sa.jpg 2-3.jpg

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this