Sign in to follow this  
Deeq A.

Deg deg: Madaxweyne Farmaajo oo haatan ka degay Garoonka Cusub ee Garoowe.

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Soomaalya Maxammed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa haatan ka degay Garoonka diyaaradaha Cusub ee magaalada Garoowe.

Madaxweynaha iyo wefdigiisa ayaa waxaa Garoonka ku soo dhoweeyey Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane.Cabdiweli Maxammed Cali(Gaas),Xubno ka socda labada Gole ee dowladda Puntland,Nabadoonno,Culimo,ganacsato iyo dadweyne aad u badan oo halkaasi ku sugayey muddo saacado ah.

Mudane.Farmaajo ayaa haatan mid mid u gacan qaadaya mas’uuliyiinta iyo dadweynaah soo dhoweeynaya,waxaana loo soo galbindoonaa dhinaca Caasimadda Garoowe oo ay ku sugayaan shacab aad u badan ku lebisan Calanka Jamhuriyadda Soomaaliya.

 

Warka Faahfaahsan goor dhow kala soco:puntlandpost.net

The post Deg deg: Madaxweyne Farmaajo oo haatan ka degay Garoonka Cusub ee Garoowe. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this