Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo oo maanta ku wajahan Garoowe & Ciidamo lasoo tubay waddooyinka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimad Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in maanta uu u socdaalo Magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa wehlin doona Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan labada Gole, waxaana lasoo warinayaa in magaalada Garoowe ay ka socto diyaar garow.

Madaxweynaha ayaa la xaqiijiyay in safarkiisa uu ku qotomo labo ujeeddo oo kala ah in uu xarigga ka jaro Garoonka cusub ee Diyaaradaha Garoowe oo dhismahiisa la dhameeyay iyo in uu Magaalada Garoowe uga qaaybgalo munaasibadda 4 sano guurada xilka Hogaamiyaha Puntland  C/wali Gaas.

Safarka Madaxweynaha ee magaalada Garoowe ayaa noqonaaya kii ugu horeeyay ee uu ku tago magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Dhinaca kale, Ciidamo farabadan ayaa la tubay dhammaan waddooyinka magaalada Garoowe waxaana aad loo adkeeyay amniga.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Farmaajo oo maanta ku wajahan Garoowe & Ciidamo lasoo tubay waddooyinka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this