Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaabka Galgala oo Madaafiic ku asqeeyay Saldhig ay ku sugnaayen Saraakiil & Ciidamo ka tirsan M.Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya degaanka Galgala ee gobolka Bari ee maamulka Puntland ayaa sheegaya in maleeshiyaadka halkaa degan ay Madaafiic ku garaaceen Saldhig ay ku leeyihiin Ciidamada maamulka Puntland.

Maleeshiyaadka ayaa Saldhiga ku garaacay madaafiic gaareysa ilaa Shan oo ku dhacay afaafka hore iyo hareeraha Saldhigga Ciidamada Puntland.

Maleeshiyada al-Shabaab ayaa sheegay in Madaafiicda qaar ay ku dhaceen gudaha Saldhiga, wallow aysan sheegin khasaaro rasmi ah.

Ciidamada Puntland ayaa dhankooda ku riday tiro Madaafiic ah sida ay sheegen saraakiil ka tirsan Ciidamada Puntland.

Buuraha Galgala ayaa waxaa ka howlgala Maleeshiyaad kala duwan oo isugu jira al-Shabaab iyo Daacish kuwaa oo ku go’doonsan buuraha, waxaana xusid mudan in hareeraha ay ka degan yihiin ciidamada maamulka.

Geesta kale, xaalada deegaanka Galgala ayaa haatan ah mid degan,waxana la soo sheegayaa in ciidamada Puntland ay wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay weerarkaas.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

Caasimada@live.com

The post Al-shabaabka Galgala oo Madaafiic ku asqeeyay Saldhig ay ku sugnaayen Saraakiil & Ciidamo ka tirsan M.Puntland appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this