Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso Sheekh Xasan Daahir oo farriin xasaasi ah u diray Siyaasiyiinta Mucaaradka ah iyo Dowladda Federaalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mida hoggaamiyeyaasha Xisbul islaam iyo Alshabaab oo xabsi guri ugu jira dowladda Federalka ayaa soo saaray muuqaal video kale oo uu uga hadlayo xaaladda dalka.

Sheekh Xasan Daahir ayaa muuqaalka uu soo duubay farriin ugu diray kooxaha mucaaradka ku ah dowladda Soomaaliya, isagoo ugu baaqay inay ka fogaadaan inay qabiil u adeegsadaan siyaasadda, wuxuuna dowladda iyo mucaaradka kula taliyay inay yareeyaan xiisadda.

Mucaaradka dowladda ayuu ugu baaqay inay ciyaariyaan kaalin wax dhiseysa ee aanay noqon kuwa wax dumiya, waxayna farriintiisa u muuqatay mid dhexdhexaad ah oo la isugu soo dhoweynayo labada dhinac.

Sheekh Xasan Daahir ayaa ku bogaadiyey kooxda Ahlu suna in degaanada ay ka taliso ay nabad ka dhigtay, isla markaana ay heshiis dhex dhigtay beelaha ku dagaalamay gobolka Hiiraan.

Sheekh Xasan Daahir ayaa bilaabay muddooyinkii ugu danbeeyay inuu muuqaalo soo duubo, isagoo ka hadlaya xaaladda dalka iyo arrimaha siyaasadda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Akhriso Sheekh Xasan Daahir oo farriin xasaasi ah u diray Siyaasiyiinta Mucaaradka ah iyo Dowladda Federaalka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this