Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka cusub ee arrimaha dibada Soomaaliya oo kasoo dagay Muqdisho.

Recommended Posts

Deeq A.   

26168574_906117362888849_746613216995104Wasiirka cusub ee Arrimaha dibada iyo xiriirka caalamiga ah ee dowladda federalka Soomaaliya, Ambassador Axmed Ciise Cawad ayaa maanta gaaray magaalada Muqdisho.

Garoonka diyaaradaha Muqdisho waxaa kusoo dhoweeyay maamulka Gobolka Banaadir, wasiirro ,Xildhibaano, iyo dadweyne aad u farabadan, kuwaas oo halkaas u tagay  si ay usoo dhoweeyaan Wasiirka Cusub ee arrimaha dibada.

Axmed Ciise Cawad, ayaa lagu badelay wasiirkii arrimaha dibada Soomaaliya, Yuusf Garaad Cumar, kaasoo dhowaan xilkii laga qaaday, isaga iyo labo wasiir oo kale.

Ambassador Axmed Ciise, ayaa haatan ah safiirkii Soomaaliya u fadhiyay Maraykanka, waxaana la filayaa inuu maalin kadib xilkiisa kala wareego Yuusuf Garaad Cumar.

Puntlandi.com 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this