Sign in to follow this  
Deeq A.

(SAWIRRO) Qaban qaabada soo dhowaynta Farmaajo iyo madaxweyne Farmaajo oo diyaarad ciidan ah isagoo horumariyay Garowe.

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Puntlandi) Qaban qaabada soo dhowaynta madaxweyne Farmaajo ayaa ka socota magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, iyadoo maanta la isugu tagay garoonka diyaaradaha Garowe halkaas oo madaxweynaha iyo wafdigiisa kasoo dagidoonaan.

Inkastoo madaxweyne Farmaajo uusan weli kasoo duulin magaalada Muqdisho, ayaa hadana wuxuu iskasoo horumariyay diyaarad ciidan ah oo maalintii shalay kasoo degtay garoonka Garowe, taasoo  lagu sheegay inay ammaankiisa sugayaan, halka diyaarad kalena ay isaga soo raacidoonto.

Farmaajo ayaa xariga ka jaridoona garoonka cusub diyaaradaha Garowe, oo weli howshiisu qabyo tahay, dowladda federalkana looga fadhiyo inay kaalinteeda ka ciyaarto. Ciidanka  Puntland ayaa si weyn u sugaya ammaanka wafuuda Xamar ka imaanaysa, waxaana garoonka lagu qabanayaa xaflad balaaaran oo xarig jaris ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa socdaalkiisa Garowe la filayaa inuu ku ekaado labo maalin, isagoo kadibna ugudbidoona dhinaca Gaalkacyo kadibna Galmudug iyo gobolada dhexe.

26196060_1582297641859169_72798548224962 26168489_1582297778525822_59572486612123 26168439_1582297028525897_17029543492848 26169535_1582297071859226_24639497889140 26731406_1582297288525871_39015176295188 26219427_1582297458525854_19552174634757 26730904_1582297558525844_82826347021949

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this