Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo Goordhow u duulaya Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo Ayaa Goordhow ku Wajahan Magaalada Garoowe.

Diyaarada sida Madaxweyne Farmaajo Ayaa Goordhow ka duuli doonto garoonka caalamiga ah ee Aadan Cabdulle Cismaan ee Magaalada Muqdisho.

Qaban Qaabadii ugu dambeeysay ee lagu soo dhoweeynayo Madaxweyne Farmaajo ayaa ka socoto Puntland.

Waxaa Garoonka Cusub ee Garoowe oo Diyaarada Madaxweynaha ay noqon doonto Tii ugu horeeysay ee ka soo Dagata tan iyo markii dib u dhiska lagu sameeyay ayaa waxaa ku soo dhoweeyn doono madaxda Puntland .

Waxaa Madaxweynaha soo dhoweeyn doono Madaxweyne Dr-C/wali Maxamed Cali Gaas,Ku Xigeenkiisa C/xakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar (Camey),Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Golayaasha Puntland.

Socdaalka Madaxweyne Farmaajo dib ugala soco Puntland Post

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho 

The post Madaxweyne Farmaajo oo Goordhow u duulaya Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this