Sign in to follow this  
Deeq A.

Tahriibayaal ku dhintay Xeebaha u dhaxeeya Liibiya iyo Talyaaniga

Recommended Posts

Deeq A.   

Ilaaladda xeebaha dalka talyaaniga oo kaashanaya maraakiibta caalamiga ah ee ka howlgala xeebaha dalkaasi ayaa waxa ay sheegeen in dooni ay saarnaayeen dad muhaajiriin ah laga soo badbaadiyay 84 qofood halka 8 qof oo kale ay ku dhinteen.

Hay’add gurmad ah oo ka howlgasha Libiya ayaa waxa ay sheegtay in wali la layahay tobonaan muhaajiriin ah oo ku socdaalayay badda medeterenian-ka.

Waxaa howlgalkan samatabixinta ah ka qeyb qaatay maraakiibta caalamiga ah ee dalalka midowga yurub iyagoo wali ka shaqeynaya howlgalka samata bixinta ah ee loo sameynayo dadkan soo galootiga.

Ayuub Qaasim oo ah afhayeenka ilaalada xeebaha dalka Libiya ayaa sheegay in doontu ay ku quustay biyaha caalamiga ah iyadoona saacado muhaajiriintaan ay biyaha ku jireen.

Dhamaan sideeda qof ee ku dhimatay badda ayaa la sheegay in ay ahaayeen haween ka soo jeeda qaaradda Africa oo soomaali ay kamid yihiin iydoodana kooxaha ka ganacsada tahriibinta ay aad u buux dhaafiyeen dadka doontaasi lagu soo qaaday.

Waxaa hoos u dhac ku yimid  tirada qaxootiga kasoo gala dhinaca badda Italy ilaa 34% sannadkii 2017 marka la barbardhigo 2016 kadib markii maamulka Libiya ay gacan ka geysteen hoos u dhaca tiradooda qeybtii labaad ee sanadka.

Wasaaradda arimaha gudaha ee Italy ayaa warbixin qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay in ka badan 119 kun oo qof ay soo gaareen Italy sanadkaan,halka 181 kun oo qof ay soo gaareen sanadkii 2016.

PUNTLAND POST

The post Tahriibayaal ku dhintay Xeebaha u dhaxeeya Liibiya iyo Talyaaniga appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this