Sign in to follow this  
Deeq A.

DFS oo shaacisay inay Hubeyneyso ciidamada cusub ee uu tababarayo Turkiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa shaaca ka qaaday in la hubeyn doono dhammaan ciidamada dowlada ee tababarka ka helay dowlada Turkiga.

Dowladu waxa ay sheegtay in ciidamada lagu tababaray Saldhiga Turkiga ee duleedka magaalada Muqdisho ay ku bixin doonaan dhaqaale iyo Hub wanaagsan oo ay uga hortago doonaan al-Shabaab.

Maxamed Cali Xagaa oo ah Wasiiru Dowlaha Wasaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inay diyaar u yihiin in si gaara loo hubeeyo ciidamada iminka tababarka ku qaadanaaya Saldhiga Turkiga.

Xagaa, waxa uu cadeeyay in qorshahooda cusub uu yahay hadii tababarkooda uu u dhamaado ciidamadaasi la siin doono Hub iyo Agab Ciidan oo casri ah.

Xagaa, waxa uu intaa ku daray in DFS ay dooneyso inay la imaado isbedel dhanka ciidanka ah, sidaa aawgeed ay u diyaar garoowayaan bixinta Agab iyo Hub wanaagsan.

Dowladda Federaalka ayuu sheegay inay diyaar u tahay in ay mas’uuliyad gaar ah iska saarto Ciidamada Dowladda qeybahooda kala duwan, sidii baahiyahooda loo dabooli lahaa.

Maxamed Cali Xagaa ayaa intaasi ku daray in ciidamadu ay horey u tababarnaayeen, balse la siinayo tababar ka sii horumarsan kii horey ay u heysteen, wuxuuna xusay in qofkasta tababar ku qaato kuliyadaasi qalabkiisa loo dhameystiri doono.

Si kastaba ha ahaatee, dhawaan ayey ahayd markii Madaxweynah Somalia Maxamed Cabllaahi Farmaajo tababara ugu soo xirey magaalada Muqdisho qeybtii ugu horeysay oo ciidanka lagu tababaray xerada uu dhisay Turkiga.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post DFS oo shaacisay inay Hubeyneyso ciidamada cusub ee uu tababarayo Turkiga appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this